Madaxweynaha Angola oo cafiyay 50 maxaabiis ah

0
182

Madaxweynaha dalka Angola Joao Lourenco ayaa cafis u fidiyay maxaabiis gaaraya 50 qof.
Waxaa dadkan ka mid ah wiilka madaxweynihii hore ee waddankaasi Jose Eduardo dos Santos oo horay loogu xukumay 5 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay lunsasho lacageed.
Digreeto madaxweyne ayaa lagu sheegay in maxaabiistan la cafiyay maadaama ay muujiyeen habdhaqan wanaagsan iyo in aynan khatar ku ahayn bulshada.
Bayaanka waxaa ku xusan in cafiska madaxweyne uu yahay mid la xiriira dabbaal degga sanadguuradii 50-aad ee ka soo wareegatay madax bannaanidii ay Angola ka qaadatay guumaystihii Portugal taasi oo la xusi doono sanadka soo socda.
Sidoo kale , tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa wadajirka shacabka Angola.