Madaxweynah Hirshabelle oo ka warbixiyay burburka soo garaay isbitaalka wayn ee Beledweyn

0
637

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa kormeer ku tagay isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xooggan uu kasoo gaaray weerarro ay kooxda Al-Shabaab la eegatay.
Waxaa kormeerka ku wehlinayay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Waxaa ay mas’uuliyiintan mid mid u kormeereen qaybaha kala duwan ee isbitaalka oo burbur xooggan ka muuqday islamarkaana ay baaba’een dhammaan wixii qalab ah iyo dawo halkaasi yaallay.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan dib u howlgalinta isbitaalka guud ee Gobolka Hiiraan oo maanta aan bixin karin wax adeeg oo caafimaad ah.