Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Iran ay ku heshiiyeen xabbad joojin.
Trump ayaa sheegay in xabbad joojintan ay socon doonto muddo 12 saacadood ah, ka dibna laga heshiin doono in dagaalka la soo afjaro.
Mar sii horeysay, Iran ayaa sheegtay inay weerar ku qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhiga ciidamada cirka ee Al Udeid. Qatar ayaa sheegtay in difaaceeda cirka ay ku guulaysteen inay fashiliyaan weerarkii lagu qaaday xaruntaasi oo laga saaray, isla markaana ay soo rideen 18 ka mid ah 19 gantaal oo laga soo tuuray dhanka Iran.