Madaxtooyada State House oo caddeysay cidii madaxweynaha garab ku siisay diyaaradii uu ku safray

0
319

Afhayeenka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi Xuseen Maxamad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladda isu tagga Imaaraatka Carabta ee UAE-da ay madaxweyne William Ruto garab ku siisay diyaaraddii uu dhawaan ugu safray Maraykanka ee sida wayn looga hadlay .
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka uu sheegay in qarashkii ku baxay safarkiisi uu ahaa 10 milyan oo shilin balse uunan ahayn 200 oo milyan sidii la faafiyay.
Waxaa uu Ruto cadeeyay in markii lagu wargeliyay in diyaaradda uu ku safri karo uu qarashkeeda yahay 70 milyan oo shilin uu taasi gaashaanka u daruuray isagoo go’aansaday inuu adeegsado shirkadda qaran ee duullimaadka ee Kenya Airways.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ka dib markii ay saaxiibadiisa ka war heleen inuu doonaya inuu ku safro KQ ay waydiiyeen qiimaha uu bixin karo.
Ruto ayaa tilmaamay inuu ku adkeystay inuunan diyaar u ahayn in safarkiisa ay ku baxdo wax ka badan 20 milyan intaasi ka dibna ay saaxiibadiisa oo uunan shalay shaacin u soo bandhigeen inuu bixiyo 10 milyan diyaaradna ay siinayaan.
Hasa ahaate afhayeenka madaxtooyada Xuseen Maxamad ayaa ugu dambeyn soo bandhigay saaxiibbada madaxweynaha garab istaagga u muujiyay oo uu ku sheegay dowladda isu tagga Imaaraatka Carabta.
Xuseen ayaa xusay in Kenya ay qayb ka tahay saaxad caalami ah sidaasi awgeedna ay leedahay saaxiibbo badan.
Waxaa uu intaasi ku daray in qaabka uu adeegsaday madaxweynaha dalka William Ruto uu ka mid yahay siyaabaha ay dowladaha isu garab istaagaan si baraare loo wada gaaro.
Afhayeenka State House ayaa laga soo xigtay in sanadkii 2018-kii , dowladda Imaaraatka ay Kenya ugu deeqday 6 diyaaradood oo ah kuwa militariga ee qummaatiga u kaca iyo saddex loo isticmaalo howlaha tababarrada.
Waxaa uu tilmaamay in deeqdan ay qayb ka ahaayeen agabka diyaaradaha laguna qiimeeyay ilaa 4 bilyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu tusaale u soo qaatay in dowladda Maraykanka ay hadda Kenya siinaysa 16 ah diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo 150 baabuur oo ah kuwa gaashaaman ee aynan xabbadu karin.
Baabuurtan oo aynan waxyeello gaarsiin karin weerarrada gaadmada ah ee miinooyinka loo adeegsado ayaa dalka la keeni doonaa bisha Sagaalaad ee sanadkan.
8 ka mid ah diyaaradaha ayay Kenya la wareegi doontaa isla bisha Sagalaad ee sanadkan iyadoo 8-da kalena wadanka la soo gaarsiin doono horraanta 2025-ka.
Xuseen Maxamad oo sii faahfaahinaya saaxiibtinnimada iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka ayaa tusaale u soo qaatay tallaabadii ay sanadkii hore dowladda Kenya militarigeeda ku gaystay DRC si ay jamhuuriyadaasi u xasiliyaan.
Waxaa uu tilmaamay in danta ay Kenya ka leedahay waddamada kale ee caalamka ay tahay mid ku saleysan ganacsi, maalgashi iyo wada shaqeyn.
Waxaa uu bayaankiisa ku soo gabagabeeyay in ugu badnaan 10 milyan oo shilin ay ku baxday safarkii madaxweynaha dalka William Ruto iyo wafdigiisa ay ku tageen Maraykanka ay ahayd qaabka ugu macquulsan ee yareynta qarashaadka dhaqaale.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu hormuud u yahay in la dhimo qarashaadka ku baxa howlaha dowladda taasina ay tahay sababta uu wasaaradaha dowladda dhexe, waaxyaha hoos tago iyo shirkadaha dowliga ah uu ugu amray in ay yareeyaan miisaaniyadooda.