Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo muddo kororsi

0
274

Agaasimaha madaxtooyada Villa Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan u qorshaysnayn in ay muddo kordhin sameysato, taas beddelkeedna ay doonayso in la mideeyo doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Agaasimaha madaxtooyada oo u warramayay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay qorshaha muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah looga dhigayo 5 sano, uu yahay qorshe loogu talo galay dowladda ka dambeysa dowladda hadda jirta.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo baarlamaankiisa mandate-kooda waa afar sano, afartaas sano ayay dhameysanayaan. Ku darsasho dhanka federaalka ah ma jirto, haddii 5 sano laga dhigana, waxay ka billaabanaysaa dowladda soo socota,” ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada.
Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dowladda inay diyaar u tahay in ay dhegaysato cid kaste oo aragti ka qaybta heshiiska qaab dhismeedka doorashooyinka, isagoo sheegay madaxweynuhu inay ka go’an tahay inuu dalka ku maamulo wadatashi iyo isqancin.
Waxaa uu intaasi ku daray in talooyinka ka soo baxa wadatashiga uu haatan madaxweynuhu la leeyahay madaxdii hore ee dalka, in ay ku soo dhammaan doonaan in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.