Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa qoraal ay soo saartay waxay ugu hambalyeeysay orodyahaanka Eliud Kipchoge oo difaacday rikoor uu dunida ka dhigay sanadkii 2016-kii.
Waxaa uu ku soo baxay tartankii orotanka ee cayaaraha Olimbikada ee lagu qabtay dalka Japan.
Waxaa uu tartanka ku soo gabagabeeyay 2:08:38 isagoo ku guulaystay biladda dahabka.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in Kipchoge uu calanka Kenya ka dhigay midka ugu horreeya ee qaaradda Afrika iyo kan 19-aad ee caalamka.
Kenya ayaa soo hooysay ilaa 10 billadood oo isugu jiro (4 gold, 4 silver iyo 2 bronze).