Madaxtooyada dalka oo sheegtay in dowladda ay horumarisay nolosha dumarka

0
465

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State house ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta uu fuliyay barnaamijyo kala duwan oo lagu horumarinayo nolosha dumarka.
Waxay tusaale u soo qaadatay in barnaamijyada awoodsiinta dumarka lagu maalgeliyay dhaqaale dhan 19.5 bilyan oo shilin.
Sidoo kale ururrada haweenka iyo dhallinyarada ayaa ka faa’iidaystay lacag dhan 6.9 bilyan oo shilin taasoo laga soo saaray sanduuqa awoodsiinta ee loo yaqaano Uwezo Fund.
Hoggaamiyaha dalka ayaa isku keenay waaxyaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay si ay uga wada shaqeeyaan ilaalinta xuquuqda haweenka iyo cirib tirka dhammaan xadgudubyada jinsiyadeed ee lagula kaco oo ay ka mid yihiin gudniinka fircooniga iyo guurka degdegga ah.
Sanadkii hore ayay ahayd markii oday dhaqameed iyo culimo ka soo jeedo 22 ka mid ah ismaamullada dalka ay saaxiixeen heshiis ka dhan ah tacaddiga jinsiyadeed.