Waxaa lagu soo warramayaa in meydadka 8 qof laga helay goob ay diyaarad ku burburtay ee dalka Ruushka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo in diyaaradda khaaska ee burburtay uu saarnaa madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin.
Dadkii saarnaa diyaaradda ayaa dhammaantood dhintay.
Waxaa sidatan ku warrantay wakaaladda wararka ee Ruuska ee RIA.
Waxaa la rumeysan yahay inuu diyaaradda saarnaa madaxii kooxda Wagner.
Dhanka kale, ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijin karto in Prigozhin uu la socday diyaaradda ku burburtay waqooyiga caasimadda Moscow, inkastoo maamulka duulista hawada ee Ruushka ay sheegeen inuu ku jiray liiska rakaabka.
Goor sii horreysay wasaaradda xaaladaha degdegga ah ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 10 qof ay saarnaayeen diyaaradda gaarka ah ee burburtay.
Diyaaradda, oo ka soo duushay Moscow ayaa u socotay magaalada St Petersburg.
Prigozhin ayaa hoggaaminayay kacdoonkii dhicisoobay ee ka dhanka ahaa ciidamada Ruushka, bishii Lixaad ee sanadkan.
Diyaaradda ayaa hawada ku jiraty wax ka yar nus saac, sida ay ku warrameen warbaahinta Ruushka.