Wasiirka wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda dalka Eliud Owalo ayaa shaqada si ku meel gaar ah uga istaajiyay agaasimihii guud ee warbaahinta qaranka ee KBC Samuel Maina.
Waxaa Maina lagu beddelay Paul Macharia.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uulkan lagu eedeeyay inuu heshiis galay isagoo aan la tashan wasaaradda warfaafinta , maaliyadda iyo xeer ilaaliyaha qaranka.