Madaxii hore ee waaxda asluubta oo geeriyooday

0
277

Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday Isaiah Mosiori Osugo oo horay u soo hoggaamiyay waaxda ciidamada asluubta ee dalka.
Xubnaha qoyskiisa ayaa warbaahinta u sheegay inuu xalay ku geeriyooday qaybta daryeelka degdegga ee isbitaalka Nairobi Hospital ICU oo uu toddobaad ku jiray in kastoo aan la faahfaahin xanuunka hayay ee laga daaweynayay.
Osugo oo ahaa guddoomiyaha guud ee saraakiisha asluubta wadanka laga soo billaabo bishii Sagalaad ee sanadkii 2008-dii ayaa howlgab noqday 2019-kii.
Waxaa lagu xusuustaa inuu isbeddello ballaaran ku sameeyay waaxdan.