Madaxii hore ee matxafka qaran oo la xiray

0
216

Waxaa xabsiga loo taxaabay agaasimihii guud ee hore ee matxafka qaran ee National Museums of Kenya ,Mzalendo Kibunja.
Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa xiray mas’uulkan hore.
Waxaa uu ku eedeysan yahay lunsashada lacago dadweyne oo gaaraya 490 milyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa la xiray saddex eedeysanayaal oo la rumeysan yahay in ay fadeexaddan ku lug leeyihiin waxayna kala yihiin Oliver Okinyi Rabuor, sarkaalka ICT-da ee qaybta mushaar bixinta,Wycliffe Odhiambo Ongata oo xisaabiye ah iyo Oscar Mwaura Wambui oo diiwaangelinayay macluumaadka shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee la sheegay in mushaaraadkan ay qaadanayeen.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in ay 5 sano ka hor sameeyeen khiyaano maaliyadeed oo lacago mushaar ah lagu siiyay shaqaale been abuur ah.
Lacagahan ayaa waxaa markii dambe la wareegay saraakiisha sare ee matxafka qaran ee NMK.
Tuhmanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee xarunta dhexe ee guddiga EACC ee daarta Integrity Centre ee magaalada Nairobi .
Waxaa uu qorshuhu yahay in berri maxkamadda la soo taago.
EACC ayaa qoraal ku sheegtay in ay guda geli doonto geeddisocod ay dib ugu helaysa lacagihii ay dhaceen afarta qof ee maanta la xiray.
Sanadkii hore ayay ahayd markii guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC uu shaaca ka qaaday in 2016-kii ilaa 2022-kii, hannaanka mushaar bixinta ee matxafka qaran lagu daray macluumaadka 105 qof oo shaqaale been abuur ah.