Madaxii hore ee cadaalada David Maraga ayaa hadda doonaya in madaxweyne William Ruto uu qaado talaabo ka dib dilkii foosha xumaa ee loo geystay macalin Albert Ojwang’.
Maraga waxa uu sheegay in madaxweynaha ay ahayd in uu u tilmaamo hay’adaha mas’uulka ka ah in ay agaasimaan oo ay fududeeyaan soo qabashada iyo Booliiska ku lugta lahaa dilka Ojwang’.
Mr Maraga ayaa shir jraa’id ah oo uu maanta qabtay ayuu kaga hadlay dilka dhawaan loo gaystay ablbert Ojwang oo lagu tuhmayo inuu ku baxay gacanta Booliiska.
Madaxii hore ee cadaalada dalka ayaa ku baaqay in ka hor 25-ka bishan June tallaabo adag laga qaado ciidamada ku lugta lahaa dhibaataynta Kenyaanka oo ay ku jiraan kiisaskii dhacay sanadkii hore.