Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada Wajeer, Garissa iyo Isiolo ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin uu hor kacayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i.
Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa sheegay in lagu heshiiyay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka in muddo ah ka taagnaa xadka ay wadagaan Isiolo iyo deegaanka Lagdera.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la isku afgartay xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada .
Guddoomiyaha Isiolo Maxamad Kuti ayaa dhankiisa xusay in la isla gartay in aan mar kasta oo ay dhibaato dhacdo xal loo soo raadsado dhanka dowladda dhexe.
Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa qiray in dhibaatooyinka isku dhacyada saameeyay oo ay ka mid tahay daaqa ay yihiin arrin qoto dheer oo hal mar ah keliya aan la xallin karin.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrimo siyaasadeed aynan ka marnayn caqabadda taagan.
Wasiirka ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ku boorriyay inay ka fogaadaan jeedinta haddallada wax u dhimi karo xasiloonida.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in xita iyadoo ay dhibaatooyin jiraan loo baahan yahay in aan bulshada la isku dirin.
Fred Matiang’i ayaa madaxda siyaasadeed ee ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Isiolo uga mahadceliyay sida ay u muujiyeen inay ka go’an tahay xal u helidda caqabadaha soo noqnoqday.
Wuxuu intaasi ku daray inuu jiro qorsho dhanka amniga ah oo dhawaan la soo bandhigi doono si mar kale aynan isku dhacyo u saameyn shacabka ku nool xadka ay wadagaan ismaamullada Garissa, Isiolo iyo Wajeer.