Madaxda Maraykanka, Canada iyo Mexico oo shir yeelanaya

0
323

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, dhigiisa Mexico Andres Manuel Lopez iyo ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu wadaa inay markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2016-kii ay kulan ku yeeshaan magaalada Washington DC ee Maraykanka.
Hoggaamiyaashan ayaa ka wada hadli doono isdhexgalka dhaqaale , arrimaha socdaalka iyo la tacaalidda cudurka COVID19.
Kulanka saddex geesoodka ah ayaa maanta lagu qabanayaa aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo.