Waxaa lagu soo warramayaa in tareen sido madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo wafdigiisa uu gudbay xadka Ruushka.
Waxaa uu qorshuhu yahay inay kulan yeeshaan mas’uulkan iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kim Jong Un uu magaalada Pyongyang ka soo ambabaxay xalay xilli dambe.
Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi muddo afar sano ah ugu ambabaxay dibadda dalkaasi.
Wakaaladda wararka Ruushka ee RIA ayaa ku warramaysa in wafdiga madaxweynaha wehelinaya ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga , labo taliyeyaal sare ah iyo agaasimaha waaxda hubka ee dalkaasi.