Hoggaamiyaasha isbeheysiga OKA ee kala ah Kalonzo Musyoka, Gideon Moi, Cyrus Jirongo oo ah madaxa xisbiga UDP iyo Martha Karua (Narc Kenya ) ayaa maanta saxiixday heshiis ku saabsan qaabka ay u wada shaqeyn karaan.
Kulanka siyaasiyiintan ayaa ka dhacay xarunta Kalonzo Command Centre ee magaalada Nairobi.
Xaruntan ayaa ka shaqeysa isku dubaridka ololaha madaxtinimo ee hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Gideon Moi oo ah hoggaamiyaha xisbiga KANU ayaa warbaahinta u sheegay inay diyaar u yihiin inay kaashadaan dhinaciyada kale ee siyaasadeed si ay bisha siddeedaad ee sanadkan ugu guulaystaan hoggaanka wadanka.
Waxaa uu tilmaamay in heshiiska ay maanta gaareen uu yahay mid ku qotomo xeerarka ay u adeegsanayaan xaqiijinta wada shaqeyntooda ee dhanka ololaha.
Waxaa uu shaaciyay in 28-ka bishan labaad ay xafiiska laga diiwaangeliyo xisbiyada waddanka si rasmi ah ugu wareejin doonaan dokumeentiga faahfaahinaya heshiiskan.