Madaxda Hiiraan iyo xildhibaanno qiimeynaya khasaaraha gaaray buundada Buula Burde

0
430

Waxaa weli go’an buundada magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan oo shalay la qarxiyay.
Tani ayaa muhiim u ah isku socodka gawaarida gobollada koonfurta iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.
Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay kuna dhaawacmeen dad fara badan.
Waxaa qaraxa ka dib goobta gaaray mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiintani, ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno heer federaal ah, kuwaas oo qiimaynaya khasaaraha inta uu la eg yahay.