Madaxda guddiyada Kenya Kwanza iyo Azimio oo la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka

0
235

Siyaasiyiinta kala hoggaaminaya isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio ee loo xil saaray wada hadallada siyaasadeed ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula.
Kimani Ichung’wah iyo Kalonzo Musyoka ayaa doonaya in Wetangula uu ka caawiyo sidii taageero maaliyadeed loogu heli lahaa geeddisocodka wada xaajoodyada .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka oo socday hal saac uu ka qabsoomay xarunta golaha qaran ee xeer dejinta.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii guddiyadan ay saxiixdeen qaabka loo wajahaya wada hadallada.

https://x.com/HonWetangula/status/1701997332655399021?s=20