Hoggaamiyaasha qaaradda Afrika ayaa ku heshiiyay in si degdeg ah ay xabad joojin uga dhaqan gasho jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Go’aankan ayaa lagu dhaqaaqaya berri oo Jimco ah.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ay madaxda si wadajir ah u soo saareen ka dib markii ay ku shireen caasimadda dalka Angola ee Luanda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Angola Tete António ayaa ujeeddada heshiiska ku sheegay in la soo afjaro colaadda u dhexeysa ciidamada dowladda DRC iyo kooxda fallaagada ee M23 oo dhibaatooyin ka gaysatay bariga wadankaasi.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay dhanka kale sheegaysa in ku dhawaad 300,000 qof inay ku barakaceen dagaallada ka taagan Congo.