Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee cimillada ee qaaradda Afrika ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo baxay baaq guud oo ay si wadajir ah hoggaamiyaasha qaaradda ugu direen dunida inteeda kale.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo warbaahinta u akhriyay qaraarka kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay inay doonayaan in la qaado tallaabo heer caalami ah oo kheyraad loogu raadinaya arrimaha horumarka iyo la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada.
Madaxda Afrika ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay ka dhabeyso ballanqaadyadeedii iyagoo cuskanaya shirkii bishii 6-aad ee sanadkan lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Waxaa shirkaasi ka soo baxay heshiis cusub oo ku aaddanaa maalgelin caalami ah.
Ruto ayaa sheegay inuu rajeynaya in qeylo dhaanta Afrika laga maqlay meelo fog sidaasi awgeedna haddii maalgelin la sameeyo in wax laga qaban karo dhibaatooyinka cimillada.
Shirka arrimaha cimillada ee saddex cishe ka socday xarunta shirarka caalamiga ee KICC ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ,Julius Maada (Sierra Leone), Sahle-Work Zewde (Itoobiya), Ismaaciil Cumar Geelle (Jabuuti), Isaias Afwerki (Eritrea) ,Mahamat Idriss Deby (Chad) iyo Ra’iisul Wasaaraha DRC Sama Lukonde Kyenge.
Madaxda kale waxaa ka mid ahaa Marwada Koowaad ee dalka Rachel Ruto, Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, madaxa wasiirada Musalia Mudavadi, Madaxweyne ku xigeenka Angola EsperanΓ§a da Costa, Madaxweyne ku xigeenka Namibia Nangolo Mbumba, Xoghayaha Guud ee Barwaaqa sooranka Patricia Scotland, Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo iyo 66 wasiir oo ka kala socda dalal kala duwan.
Hogaamiyayaasha Afrika waxay ka codsadeen madaxda caalamka inay tixgeliyaan soo jeedinta nidaamka canshuuraha ee gaaska kaarboonka .
Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale ku baaqay in la helo dhaqaale la awoodi karo si loo maalgashado barnaamijyada ku wanaagsan dhanka cimillada.
ππ ππππ πππππ π ππ ππππππ ππππππ ππ ππππππ πππππππ ππππππ
Africa has called for collective global action in resource mobilisation for both development and climate action.
African leaders challenged the global community to honor its⦠pic.twitter.com/Wa3Zm8lqY1
— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 6, 2023
Africa Climate Summit Declaration Ceremony, KICC, Nairobi County. https://t.co/HPzOVgWova
— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 6, 2023
The Nairobi Declaration firmly renews our commitment to global climate action and sustainable development, infusing it with a distinctive African character. pic.twitter.com/ncJZ7Pf9X3
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) September 6, 2023