Madaxa wasiirrada dalka oo ku baaqay ilaalinta madax bannaanida hay’adaha dowliga ah

0
175

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay qadariyaan madax bannaanida hay’adaha dastuuriga ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulladan ay yihiin tiirarka xasilloonida wadanka.
Mudavadi ayaa ku baaqay tixgelinta sarreynta sharciga iyo nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in guddiyada iyo xafiisyada madax bannaan aan lagu sameyn faragelin siyaasadeed hasa ahaate dhankooda looga fadhiyo in ay qaranka ugu adeegaan si cadaalad ah oo ay mar kasta sameeyaan waxyaabaha saxda ah.
Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa arrintan ka sheegay aaska meydka hooyada agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Mulele Ingonga oo lagu qabtay tuulada Makunga ee ismaamulka Kakamega.