Madaxa waaxda maaliyadda ee Tana River oo la xiray

0
385

Saraakiisha booliiska ee la shaqeeya guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa gacanta ku dhigay sarkaalka sare ee waaxda maaliyadda ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta.
Mariam Cabdalla Bunu ayaa lagu helay lacag caddaan oo dhan 2.7 milyan oo shilin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan laga qabtay gagida diyaaradaha ee Malindi xilli ay doonaysay inay u soo safarto Nairobi.
EACC ayaa laga soo xigtay in Mariam aynan shaaca ka qaadin lacagta ay sidatay sidoo kalena markii su’aallo laga waydiiyay ay ku guul dareysatay inay sharraxaad bixiso.
Guddiga EACC ayaa qoraal ku sheegay inuu qabo tuhun ah in lacagtan si aan sharci ahayn looga helay ismaamulka Tana River.
Waxaa uu guddigu intaasi ku daray inuu haweeneydan ku sameynaya baaritaano la xiriira lunsashada kheyraadka dadweynaha , ku takriifalka xafiiskeeda iyo inay sidatay hanti laga shakiyay.
Dastuurka dalka ayaa qeexaya in qofka safraya ee haysta lacag caddaan oo ka badan 500,000 oo shilin in laga doonayo inuu shaaca ka qaado.