Madaxweynaha dalka Nigeria Bola Axmad Tinubu ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay madaxii waaxda la dagaalanka musuqmaasuqa , falal dambiyeedyada dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed ee wadankaasi Cabdulrashiid Bawa.
Tani ayaa loo aaneeyay in mas’uulkan uu ku takriifalay awoodiisa xafiiseed.
Arrikan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay madaxtooyada Nigeria.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa toddobaad ka dib markii madaxweynaha Nigeria uu shaqada ka istaajiyay madaxii bangiga dhexe ee dalkaasi Godwin Emefiele..
Warbaahinta maxalliga ee Nigeria ayaa ku warramaysa in booliiska ay hadda su’aallo waydiinayaan Bawa iyo Emefiele.