Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka oo dowladda dhaliilay

0
318

Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee golaha xeer dejinta dalka ,Opiyo Wandayi ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay soo dhisidda xafiisyo badan oo uu ku doodaya inaynan ahayn kuwo dastuuri ah.
Tani ayuu xusay in dowladda ay lacago badan uga baxaan oo aan dhaqaale ku filan loo helin barnaamijyada horumarineed.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Ugunja ayaa dhanka kale sheegay inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad ku aaddan in xafiisyada qaar loo aqoonsado kuwo sharci darro ah oo dacwad lagu soo oogo shakhsiyaadka xafiisyadan furay.
Wandayi ayaa tusaale u soo qaatay xafiiska xaaska madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ee dhawaan la daah furay.
Waxaa uu wacad ku maray inuu arrintan uga hadli doono gudaha baarlamaanka.