Madaxa shirkadda tayadhowrka badeecooyinka ee KEBS oo shaqada laga istaajiyey

0
218

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay agaasimaha guud ee shirkadda tayadhowrka badeecooyinka dalka ee (KEBS) Bernard Njiraini.
Waxaa sidoo kale uu amarka madaxweynaha saameeyay 26 sarkaal oo dheeraad ah.
Tani ayaa timid ka dib markii shirkadda KEBS la sheegay inay fasaxday sonkor tayadeeda laga dayriyay oo la qabtay sanadkii 2018-kii.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in la burburiyo sonkorta oo ka kooban 20,000 oo kiish si aan suuqyada loogu iibin oo aynan waxyeello caafimaad ugu gaysan dadweynaha.
Hasa ahaate saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa xaqiijiyay in badeecadda la fasaxay taasoo keentay in madaxweynaha uu shaqada ka joojiyo saraakiisha sar sare ee KEBS ilaa iyo inta baaritaannada ka dhanka ah laga soo gabagabeynaya.
Sidoo kale madaxweyne Ruto ayaa shaqada ka joojiyay 8 ka mid ah saraakiisha maamulka canshuuraha ee KRA, afar sarkaal oo booliis ah iyo 6 kale oo ka howlgalo maamulka beeraha iyo cunnada ee (AFA).
Tallaabada uu qaaday William Ruto ayaa waxaa lagu xaqiijiyey bayaan uu soo saaray madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Kosgei.