Madaxa shaqaalaha dowladda oo sheegay in magaciisa lagu qaadanaya lacago baad ah

0
349

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha sidoo kalena ah madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada wadanka , Felix Koskei ayaa sheegay inay jiraan shakhsiyaad ku wareegaya xafiisyada dowladda iyagoo magaciisa adeegsanaya.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu si qoomamo leh uga war helay in dadkan ay yihiin dambiilayaal cabsi gelinaya shaqaalaha dowladda iyagoo ka qaadanaya lacago baad ah.
Koskei ayaa wasiirrada ,xoghayeyaasha joogtada ah iyo madaxda fulinta ee shirkadaha dowladda dhexe ku boorriyay inay aad uga feejignaadaan dadka iska dhigaya inay isaga wakiil ka yihiin oo ay si degdeg ah warbixin ugu gudbiyaan maamullada ku habboon si tallaabo degdeg ah looga qaado.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ayaa intaasi ku daray in laga soo gudbay xilligii laga faa’iidaysan jiray kenyaanka shaqo raadiska ah iyadoo la adeegsanaya awoodda saraakiisha sare ee dowladda.
Waxaa uu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay in shakhsiyaadkan laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciyeed.