Madaxa shaqaalaha dowladda oo ku baaqay midnimo siyaasadeed si loo wanaajiyo yoolalka horumarineed

0
202

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha sidoo kalena ah madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada wadanka, Felix Koskei ayaa ku boorriyay dhammaan madaxda siyaasadeed inay dhinac iska dhigaan ismariwaaga ka dhexeya ayna u midoobaan sidii ay horumar u gaarsiin lahaayeen shacabka Kenyaanka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in dowladda ay leedahay qorshayaal hiigsi leh sida mashaariicda lagu horumarinaya kobaca dhaqaalaha dalka.
Mr. Felix Koskei ayaa xusay in loo baahan yahay ka shaqeynta adeegyada muhiimka ah ee muwaadiniinta loo fidiya.
Waxaa uu tilmaamay in mudnaanta la siiya nabadda iyo xasilloonida.