Madaxa Qaramada Midoobay oo cambaareeyay burburinta Israa’iil ee xaruunta UN ee Bariga Qudus

0
449

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Talaadadii si adag u cambaareeyay burburinta ay Israa’iil ku sameysay xaruun ay Qaramada Midoobay ku lahayd Bariga Qudus.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tallaabadaas ay la xiriirto burburinta xaruunta Sheekh Jarrah ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA). Guterres ayaa marar badan caddeeyay, oo ay ku jirto warqad uu 8-dii Janaayo 2026 u diray Raa’iisul Wasaaraha Israa’iil, in xaruuntaas ay weli tahay hanti rasmi ah oo Qaramada Midoobay leedahay, isla markaana aan la taaban karin lagna faragelin karin.
Xoghayaha Guud ayaa ugu baaqay xukuumadda Netanyahu inay si degdeg ah u joojiso burburinta xaruunta, islamarkaana ay dib ugu celiso una dayactirto xaruunta Sherkh Jarrah iyo dhammaan goobaha kale ee UNRWA ee ay saameeyeen, si degdeg ahna loogu wareejiyo Qaramada Midoobay.
Guterres ayaa sidoo kale sheegay in falalka sii kordhaya ee ka dhanka ah UNRWA ay yihiin kuwo gebi ahaanba aan la aqbali karin, isla markaana ay si toos ah uga hor imaanayaan waajibaadka caalamiga ah ee saaran Israa’iil, oo ay ku jiraan xeerarka Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska ku saabsan Xasaanadda iyo Xuquuqda Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.