Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago meelaha uu sida daran u saameeyay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Turkiga.
Waxaa uu magaalada Ankara kula kulmi doonaa madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka arrimaha dibadda Mevlut Cavusoglu.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay NATO.