Hoggaamiyaha garabka mucaaradka ee dalka Tanzania horayna ugu tartamay xilka madaxtinnimo Tundu Lissu ayaa wadankaasi dib ugu laabtay ka dib wax ka badan shan sano oo uu ku maqnaa Yurub.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadweyne ku farxay dib u soo laabashadiisa ay shalay si wayn u soo dhaweeyeen.
Lissu ayay taageerayaashiisa ku soo dhaweeyeen garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee Julius Nyerere ka dib markii uu ka soo safray magaalada Brussels ee dalka Belgium .
Waxaa uu intaasi ka dib u gudbay inuu isku soo bax ku qabtay magaalada Dar es Salaam.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda Tanzania ee ay hoggaamiso Samia Suluhu Xasan ay meesha ka saartay amar horay loogu mamnuucay isku soo baxyada siyaasadeed.
Tundu Lissu oo horay xildhibaan u soo noqday si wayna u dhaliilayay dowladda Tanzania ayaa wadankaasi ka tagay oo dibadda u raadsaday daryeel caafimaad ka dib markii sanadkii 2017-kii ay koox hubeysan oo aan haybtoodu la garan ay 16 mar ku toogteen magaalada Dodoma .