Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Cambodia Kem Sokha ayay maxkamad ku xukuntay in muddo 27 sano ah uunan ka qayb qaadan arrimo siyaasadeed iyo xita inuunan codeyn karin xilliga doorashada.
Waxay tani micnaheedu tahay inuu ku jiraya xabsi guri ka dib markii lagu cadeeyay khiyaano qaran.
Ninkan ayaa ku eedeysnaa in isaga iyo awoodo shisheeye ay sameeyeen hagardaamo la doonayay in lagu afgembiyo xukuumadda ra’iisul wasaare Hun Sen.
Tani ayaa soo afjartay dacwad socotay saddex sano iyadoo qareennada dowladda ay maxkamadda u oggolaatay inay soo bandhigaan caddeymo dheeraad oo loo cuskanaya fal dambiyeedka lala xiriiriyay siyaasigan.
Kem Sokha oo 69 sano jir ah ayaa la xiray sanadkii 2017 iyadoo taasi lagu saleeyay muuqaal laga dhex arkay sanadkii 2013-kii isagoo sheegaya inuu taageero ka haysta kooxo u dooda dimuqraadiyadda oo ka howlgalo Maraykanka.
Qareenka Kem Sokha oo lagu magacaabo Ang Udom ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda ka soo baxay.
Ururrada xuquuqul aadanaha iyo dowladaha reer galbeedka ayaa cambaareeyay eedeymaha ka dhanka ah siyaasigan waxayna ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad lahayn oo siyaasadeysan.




