Madaxa militariga gobolka Blue Nile ee Suudaan oo la magacaabay

0
293

Waxaa la magacaabay taliyaha cusub ee militariga dalka Suudaan gaar ahaan gobolka Blue Nile oo ay saameeyeen iskudhacyo qabiil.
Arrintan waxaa shaaca ka qaaday afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Suudaan Nabil Cabdallah.
Waxaa uu sheegay inuu jiro guddi lagu amray inuu qiimeyn ku sameeyo xaaladda amni.
Waxaa gobolka Blue Nile lagu dilay ugu yaraan 220 qof.