Madaxa LSK oo dhaliil u jeedisay guddiga EACC

0
253

Madaxa ururka qareennada dalka ee LSK,Faith Odhiambo ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ku dhaliishay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada falalka musuqa ee ka jiro wadanka.
Xilli ay u warramaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayay hoosta ka xarriiqday in guddigan uu muujiyay habacsanaan la xiriirta gudashada waajibaadkiisa.
Waxay sheegtay in guddiga EACC laga doonaya inuu la tacaalo waxyaabaha sababa falalka musuqmaasuqa oo ay ku tilmaantay kuwo ku baahay hay’adaha dowliga ah.
Faith Odhiambo, madaxa ururka qareennada dalka ee LSK ayaa carrabka ku adkeysay in ay lagama maarmaan tahay in geeddisocodyada kala duwan ay noqdaan kuwo daahfuran oo leh muddo cayiman oo lagu soo gabagabeyn karo.
Waxay soo jeedisay in sare loo qaado adeegsiga horumarka tiknolojiyadeed marka loo barbardhigo waxqabadka tooska ah ee aadanaha.
Dhawaan ayay ahayd markii guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC uu soo saaraya warbixin ku saabsan sida musuqmaasuqa uu uga dhex jiro laamaha dowladda.
EACC ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay sameyso wacyi gelin soconaysa muddo 100 cishe ah.
Hasa ahaate madaxa ururka qareennada dalka ayaa ku talinaysa in guddigu uu ku horumaro xallinta khaladaadka ka dhex jiro EACC ka hor inta uunan guda gelin ololaha wacyigelinta dadweynaha ee uu shaaciyay.
Shalay ayay ahayd markii ay EACC soo bandhigtay warbixinta ra’yi uruurinta qaran ee musuqmaasuqa iyo anshaxa ee sanadkii 2023-kii.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in waaxyaha ugu musuqmaasuqa badan ay ka mid yihiin laanta caafimaadka ee ismaamullada iyo booliiska caadiga ah ee dalka.
Sidoo kale waxaa liiskan ku jiro waaxda arrimaha tacliinta ee ismaamullada iyo maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA)
EACC ayaa sheegtay in sanadkii hore ,qiimaha lacageed ee ay Kenyaanka ku bixiyeen laaluush uu isku celcelis ahaan gaaray 11,625 shilin halka sanadkii ka sii horreeyay ee 2022 , lacagtan ay ahayd 6,865 shilin.
Sidoo kale guddiga ayaa ra’yi uruurintiisa ku ogaaday in kenyaanka laga dalbado lacagaha laaluushka ee ugu badan ay yihiin kuwo shaqo raadiska ah.
Qofka doonaya in laga shaqaaleysiiyo dowladda ayaa laga dalbadaa inuu bixiyo laaluush dhan 163,260 oo shilin sida laga soo xigtay EACC.
Sidoo kale waxaa lacag laaluush oo gaaraysa 74,428 shilin lagu bixiyay in qofka uu helo baasaboor ,20,300 oo shilin waxay ku baxday qaadashada warqadda booliiska tusaale marka uu aqoonsiga kaa lumo , 17,000 oo laaluush ah waxaa lagu dalbaday helidda qandaraas iyo 12,673 shilin si loo xalliyo khilaaf dhuleed.
Marka la eego waaxyaha kala duwan waxay Kenyaanka maamulka qaran ee gaadiidka ku bixiyaan lacag laaluush oo dhan 81,801 oo shilin, waaxda cadaaladda waa 49,611 oo shilin iyo laanta tayadhowrka ee (KEBS oo lagu sheegay 40,000 oo shilin oo laaluush ah.