Madaxa Kenya Power oo ku guul dareystay inuu baarlamaanka hor tago

0
311

Agaasimaha guud ee shirkadda adeegga korontada ee dalka ee Kenya Power Joseph Siror ayaa ku guul dareystay inuu ka soo hormuuqdo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha tamarta.
Waxaa laga doonayay inuu ka jawaabo su’aallo ku saabsan qiimaha sarreeya ee adeegyada korontada.
Guddoomiyaha guddiga tamarta ee golaha qaran ee xeer dejinta Vincent Musyoka ayaa sheegay in ay u yeereen Siror si uu faahfaahin uga bixiyo qaabka ay ku saleeyaan qiimaha korontarada iyo sida macaamiisha kala duwan loogu xiriiriyo korontada.
Sidoo kale , waxaa laga doonayay inuu caddeeyo sababta ay xaafadda isku raranta ah ee Mukuru kwa Njenga ee deegaanka Koonfurta Embakasi , ismaamulka Nairobi ay koronto la’aan u tahay ilaa saddex sano.
Guddoomiyaha guddiga tamarta ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Mwala ee ismaamulka Machakos ayaa dhammaan shaqaalaha dowladda ka dalbaday in ay noqdaan kuwo lagula xisaabtami karo waajibaadkooda shaqo.
Waxaa uu xusay in kal-fadhigii ay la yeelan lahaayeen agaasimaha guud ee Kenya Power dib loo dhigay.