Madaxa Fullinta ee SHA oo maanta xilka la waregeyso

0
356

Madaxa Fullinta ee Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA) ee dhawaan la magacaabay Dr. Mercy Mwangangi ayaa lagu wadaa in ay xilka la wareegto maanta oo Talaado ah.
Dr. Mwangangi ayaa xilkan loo magacaabay 11-kii bishii April ka dib hannaan shaqaaleysiineed oo tartan ah kaas oo ay ku kulmeen 92 Codsadayaal, kuwaas oo 12 ka mid ah Musharixiinta la soo xulay lana wareystay.
Waxaa ay xilka kala wareegeysaa Elijah Wachira oo sanadkii hore shaqada looga eryay sababo la xiriira akhlaaq xumo iyo waxqabad la’aan.
Isagoo ku dhawaaqay magacaabisteeda, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Aadan Barre Ducaale ayaa ku tilmaamay Dr. Mwangangi inay tahay maalgalin caafimaad iyo khabiir siyaasadeed oo khibrad 15 sano ka badan u leh caymiska caafimaadka caalamiga ah (UHC), dib-u-habaynta hay’adaha iyo xoojinta nidaamyada caafimaadka.
Dr. Mwangangi ayaa haatan ah Agaasimaha Xoojinta Nidaamyada Caafimaadka Sare ee AMREF Health Africa halkaas oo ay hormuud ka ahayd maalgelinta caafimaadka iyo maalgashiga amniga caafimaadka ee Afrika oo dhan, iyada oo hubinaysa maalgelinta kaalmada horumarinta ee daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo ballaarinta caymiska caalamiga ah.
Isagoo muujinay kalsoonida hoggaankeeda, ayuu wasiir Ducaale waxaa uu xusay in Dr. Mwangangi ay si hufan u hoggaamini doonto maamulka SHA.