Madaxa fulinta ee maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA , Dr .Andrew Mulwa ayaa sheegay inuu billaabay isbeddello waawayn oo wax looga qabanaya falal musuqmaasuq oo sanadihii ugu dambeeyay saameeyay maamulkan.
Waxaa falalkan ka mid ahaa lacagihii COVID-19 ee la lunsaday sanadkii 2020-kii iyo fadeexadii ugu dambeeysay ee qandaraaska maro kaneecada ee ay meesha ka saartay shirkadda Global Fund.
Dr .Mulwa ayaa saamileyda caafimaadka u sheegay inay dejiyaan qorsho istaraatiiji ah oo si buuxda loo dhaqan gelin doono si loo sifeeyo KEMSA.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay xaqiijinta in maamulkan uu howlaha loo xil saaray uga soo baxo si hufan oo wax ku ool ah sida daawooyinka loo soo iibiyo isbitaallada ismaamullada iyo kuwa dowladda ee guud ahaan wadanka.
Waxaa uu codsaday in loo qabto muddo sanad ah oo uu sheegay in la dareemi doono saameynta wanaagsan ee isbeddellada ay guda galeen.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli isaga iyo wasiiradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ay la kulmeen in ka badan 400 oo ah daneeyayaasha howlaha caafimaadka.




