Madaxa fulinta ee isbitaalka Nairobi Hospital oo la magacaabay

0
342

Guddiga maamulo isbitaalka Nairobi Hospital ayaa ansaxiyay magacaabidda James Nyamongo oo loo soo xushay inuu noqdo madaxa fulinta.
Mr. Nyamongo ayaa xilkan si ku meel gaar ah u hayn doono muddo 6 bilood ah.
Guddiga ayaa bayaan uu la wadaagay warbaahinta ku sheegay inuu qirayo horumarka uu mas’uulkan gaarsiiyay isbitaalka.
Waxaa bayaanka qayb ka ah in madaxa cusub ee xaruntan caafimaad laga doonayo inuu si buuxda u dhaqangeliyo qorshaha istaraatiijiga ee 2019-2024 -ka.
Mr. Nyamongo ayaa horay uga soo shaqeeyay shirkadda dalka u qaabilsan maareynta dhuumaha shidaalka.