Waxaa maanta xilkiisa si rasmi ah loogu dhaarin doonaa Xuseen Marjaan oo dhawaan si buuxda ula wareegay jagada madaxa fulinta ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC oo uu horay si ku meel gaar ah u hayay.
Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhici doonto xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi.
Xuseen Marjaan ayaa hoggaamin doono xoghaynta IEBC oo u xilsaaran maareynta howlaha maalinlaha ee guddiga doorashooyinka dalka.
Bayaan ka soo baxay waaxda garsoorka ayaa lagu sheegay in abaare 11:50 barqanimo ee maanta ay madaxa fulinta IEBC gudashada waajibaadkiisa shaqo u dhaarin doonto madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome.
Guddiga IEBC ayaa horay u sheegay in Xuseen Marjaan uu ku soo baxay tartan u dhexeyay ilaa 6 qof oo la turxaan bixiyay.




