Madaxa cusub ee TSC oo cadaadis kala kulantay KNUT

0
406

Wax ka yar hal isbuuc ka dib markii ay xilka la wareegtay, Ku-simaha madaxa fullinta ee Guddiga Adeegga Macallimiinta (TSC) ee dhawaan la magacaabay Evaleen Mitei ayaa durba la kulmeysa cadaadis isa soo taraya si ay u dedejiso wadahadalka mushaaraadka ee ururada macalimiinta, iyadoo Ururka Qaran ee ay ku midhaysan yihiin Macalimiinta dalka (KNUT) ay doonayaan saxiixa degdega ah ee heshiiska gorgortanka wadareed (CBA) 2025-2029 ka hor inta aan la gaarin dhamaadka sanadmaaliyeedka 2025-ka.
Saraakiisha KNUT ayaa dalbaday in boqolkiiba 60 mushaar kordhin loo sameeyo, gunnooyinka la wanaajiyo iyo dabool caafimaad oo wanaagsan la siiyo si ay u muujiyaan cadaadiska dhaqaale ee soo food saaray macalimiinta.
Isagoo ka hadlayay inta lagu guda jiro Shirka Sannadlaha ah ee Laanta Bureti ee Ururka ee ismaamulka Kericho, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee KNUT Hesbon Otieno ayaa ku booriyay Mitei inay ka dhigto saxiixa CBA-da cusub mudnaanteeda koowaad.
Waxaa uu xusay in inkasta oo wada xaajoodyadu ay bilowdeen horaantii sanadkan iyada oo ay gacanta ku haysay madaxii hore ee TSC Nancy Macharia kaliya inuu dhiman yahay saxeexa rasmiga ah.
Waxaa uu xaqiijiyay in KNUT ay horay u gudbisay soo jeedinteeda islamarkaana la xaliyay arimihii farsamada.
Otieno ayaa sidoo kale cambaareeyay guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka (SRC) ka dib markii ay iska caabiyeen dalabaadka ururka, isaga oo ku eedeeyay in ay ka gudubtay doorkeeda dastuuriga ah.