Madaxa cusub ee NHIF oo la magacaabay

0
281

Waxaa xilka madaxa fulinta ee sanduuqa caymiska qaran ee caafimaadka (NHIF) loo magacaabay Elijah Wachira.
Waxaa uu xilkan kala wareegay Dr. Peter Kamunyo oo bishii Saddexaad ee sanadkan uu dhamaaday muddo xileedkisi oo ka koobnaa saddex sano.
Isbeddelkan dhanka hoggaanka waxaa bayaan ku shaaciyay guddiga maamulo NHIF.
Waxaa bayaanka ku cad in sidoo kale la magacaabay 6 agaasimayaal dheeraad ah ka dib geeddisocod shaqaaleysiin oo si adag loogu tartamayay.
Geeddisocodka shaqaaleysiinta ayaa soo billowday 27-kii bishii 6-aad ee sanadkan.