Madaxa cadaaladda oo booliiska ugu baaqday inay wanaajiyaan xiriirka kala dhexeya shacabka

0
346

Madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa saraakiisha booliiska ku boorrisay inay wanaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin dadweynaha.
Baaqan ayay Koome dirtay xilli ay saaka guddoomisay xaflad lagu dhaarinayay taliye ku xigeenka booliiska dalka Douglas Kanja oo uu shalay madaxweyne William Ruto xilkan u magacaabay ka dib markii uu howlgab noqday Edward Mbugua.
Martha Koome ayaa hoosta ka xarriiqday in xiriir wanaagsan oo ka dhexeya laamaha ammaanka iyo shacabka uu xoojinaya dadaallada loogaga hor tagaya falal dambiyeedyada sidoo kalena lagu xaqiijinaya nidaamka kala dambeynta ee maamulka.
Sidoo kale madaxa cadaaladda ee dalka ayaa Kanja iyo guud ahaan saraakiisha booliiska kula dardaarantay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si waafaqsan dastuurka wadanka.
Garsoore Martha Koome ayaa sheegtay inay qasab tahay in shacabka ay booliiska kula xisaabtami karaan waxqabadkooda.
Waxay rajo wanaagsan ka muujisay in taliye ku xigeenka booliiska uu u hoggaansami doono dastuurka marka ay badbaadinayaan nolosha muwaadiniinta iyo hantidooda.
Koome ayaa Douglas Kanja kula talisay in waxyaabaha uu maanta ku dhaartay ay noqdaan kuwo ku haga u adeegidda qaranka.
Sarkaalkan ayaa maray dhaar ah inuu daacad u ahaanaya dastuurka iyo madaxweynaha qaranka marka uu shacabka u adeegaya oo uunan cidna u eexan doonin sidoo kalena si niyad xumo ay ku dheehan tahay uunan u dhibaateyn doonin.
Waxaa uu ku dhaartay inuu mar kasta nabadgalyada ka shaqeyn doono oo uu ka hor tagaya falalka liddiga ku ah nabadda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaan tallaabooyinka uu qaadaya iyo amarrada uu bixinaya ay noqon doonaan kuwo ku qotomo xeerarka dastuuriga ah ee dalka.