Madaxa cadaaladda dalka oo la kulmi doonto hoggaanka LSK

0
177

Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa shir ku casuuntay mas’uuliyiinta dhawaan la doortay ee ururka qareennada wadanka ee LSK.
Waxaa uu qorshuhu yahay in kulankan uu qabsoomo maalinka Khamiista ee 7-da bishan saddexaad.
Koome ayaa qareennada kala hadli doonto cabasho la xiriirta in xarumaha laga bixiyo adeegyada aasaasiga ee dowladda dhexe ee Huduma lagu soo kordhiyo qayb qaabilsan bixinta adeegyada waaxda garsoorka ee wadanka.
Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa 6-dii bishii hore qoraal ku sheegay in kastoo arrinkan laga yeeshay wada tashiyo badan , in haddana waaxda cadaaladda ee wadanka aynan ka soo jawaabin.
1-dii bishan ayay ahayd markii LSK ay waaxda cadaaladda ee dalka u qabatay muddo 7 cishe ah oo la yeelanaya wada hadallo ku aaddan qorshaha xarumaha Huduma looga bixinaya adeegyada waaxda cadaaladda.
Qaybtan ayaa la hoos geyn doonaa wasaaradda adeegga dadweynaha .
Garsoore Martha Koome ayaa ballan qaadday inay kulamo kala duwan la qaadan doonto hoggaanka ururka garyaqaannada dalka ee LSK.