Madaxa cadaaladda dalka oo baaq u dirtay garsooraha sare ee maxkamadda shaqaalaha

0
239

Madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa xaakinka dhawaan loo magacaabay inuu hoggaamiyo maxkamadda shaqaalaha ee wadanka Byram Ongaya iyo kooxdiisa ku boorrisay inay diiradda saaraan sidii loo soo gabagabeyn lahaa kiisas dhan 2,843.
Waxay kula talisay inay dhageysiga dacwadahan ku dhameystiraan 100-ka cisho ee ugu horreysa .
Koome ayaa sheegtay in garsoore Ongaya laga doonayo inuu la yimaado siyaabo lagu hubinaya in kiisaskan maxkamadda laga saaro ugu dambeyn bisha Lixaad ee sanadka 2023.
Martha Koome ayaa tirada guud ee dacwadaha hor yaalla maxkamadda ELRC ku sheegtay 11,800.
Ongaya ayaa xilkan kala wareegay Maureen Onyango.
Madaxa cadaaladda dalka ayaa intaasi ku dartay in tirada xaakinnada hadda ka shaqeeya maxkamadda shaqaalaha ee wadanka ay tahay 21 ka dib markii sanadkii hore la magacaabay sagaal dheeraad ah.
Dhammaan shaqaalaha maxkamadda ayay ka codsatay inay garsooraha sare ee cusub si dhow garab ugu siiyaan u adeegidda dadweynaha.