Waxaa berri xafiiska la wareegi doono madaxa cusub ee bangiga dhexe ee dalka (CBK) Dr. Kamau Thugge.
Talaadadii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto si rasmi ah u magacaabay Dr. Thugge ka dib turxaan bixintii iyo ansixintii baarlamaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu maanta ku egyahay muddo xileedka Dr.Patrick Njoroge oo bangiga hoggaaminayay laga soo billaabo sanadkii 2015-kii.
Dr. Njoroge ayaa sheegay inay farxad u ahayd inuu kenyaanka u adeegay muddo 8 sano ah isagoo xusay inay waxyaabo badan u qabsoomeen intii uu ahaa madaxa CBK.