Madaxa arrimaha xuquuqul aadanaha ee QM oo dalbaday in la baaro duqeymaha Israa’iil ee Qaza

0
154

Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka Volker Turk, ayaa ku baaqay in baaritaano lagu sameeyo duqeymaha ay Israa’iil weli ka gaysanaysa Qaza.
Waxaa uu sheegay in weerarrada loo adeegsanaya hubka qarxa ee leh saameynta wayn.
Tani ayuu xusay inay sababaysa burbur aan ka fiirsasho lahayn.
Waxaa uu Volker Turk sheegay inay qasab tahay in Israa’iil ay joojiso isticmaalka hubkan ay ku garaacaysa meelaha lagu badan yahay.
Qaza ayaa hooy u ah 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo kala bar ay barakaceen muddo bil ah.