Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei ayaa wasaaradaha kala duwan ee dowladda ku amray inay yareeyaan qarashaadka ay ku bixiyaan safarrada maxalliga iyo kuwa dibadda.
Tani ayaa timid ka dib markii uu kulan la qaatay xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe iyo guddoomiyaasha waaxyaha hoos tago wasaaradaha.
Koskei ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo safarrada laga maarmi karo.
Waxaa uu dhammaan waaxyaha dowladda amar ku siiyay inay shirarkooda ku qabtaan gudaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Sidoo kale dhammaan agaasimayaasha maaliyadda ee wasaaradaha ayaa laga dalbaday inay dib u eegis ku sameeyaan miisaaniyadooda sanadlaha ah oo ay soo bandhigaan qiimaha ay doonayaan inay ka dhimaan.
Koskei ayaa xusay in meelaha lacagaha badan lagu bixiyo ay ka mid yihiin maqaaxiyadaha qaaliga ah ee lagu qabto shirarka.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta iyadoo uu shirka ka dhici karo magaalada Nairobi ay mas’uuliyiin badan diyaarad ugu raacayaan ismaamulka Mombasa.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda maaliyadda ee dalka ,Chris Kiptoo ayaa dhankiisa soo jeediyay in haddii aan laga maarmin in loo safro Mombasa in shaqaalaha dowladda ay diyaarad beddelkeeda adeegsadaan tareenka oo ka qarash yar.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ayaa sheegay in la joogo xilligii la joojin lahaa ku tagriifalka kheyraadka dowladda ee shacabka loogu adeego.
Muddo sagaal bilood ah gudaheeda waxay dowladda dhexe safarro ku bixisay lacag gaareysa 20.37 bilyan oo shilin.
Safarrada gudaha wadanka waxaa ku baxday 14 bilyan oo shilin halka 6.3 bilyan lagu bixiyay qarashaadka dibadda.
Felix Koskei ayaa xusay in xaaladdu aynan sidan ku sii socon karin.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhanka kale miisaaniyadda ay dowladdu ku bixiso arrimaha horumarka ay hoos u dhacday boqolkiiba 14.4 .