Madaxa Adeegga Dadweynaha Felix Koskei ayaa sheegay in laamaha ammaanka la faray in ay ilaaliyaan nafta iyo hantida dadka Kenyaanka ah xilli ay dib u billaabanayaan dibadbaxyada ballaaran ee Azimio.
Hadalkaan ayuu ka jeediyay xili uu munaasabad uga qeyb galayay Kapsabet ee ismaamulka Nandi.
Koskei ayaa u xaqiijiyay Kenyanka in dowladdu aysan u dulqaadan doonin sharci darro kasta, iyadoo la ilaalinayo hantida iyo nafta Kenyaanka ah.
“ciddii doonaysa inay mudaaharaad sameyso waxay ku sameyn kartaa sharciga, hay’adaha amniga waxaa la faray in aan la burburin wax hanti ah” ayuu yiri madaxa adeega dadweynaha ee dalka.
Waxaa uu xusay in cid kasta oo nabadda wax u dhimaysa ay wajihi doonto sharciga.
Madaxa shaqaalaha ayaa ugu baaqay dhamaan hogaamiyayaasha in ay ka shaqeeyaan hormarinta Kenyaanka oo aysan ku mashquulin xaalad siyaasadeed.




