Waxaa ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyanza markii ugu horreysay maanta lagu qabanayaa oo hadda si toos ah uga socdo xuska maalinka Madaraka Day.
Madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, dhigiisa ANC Musalia Mudavadi , madaxa Wiper Kalonzo Musyoka , guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi, dhigiisa aqalka sare Ken Lusaka iyo madaxa cadaaladda Martha Koome ayaa ka qayb galaya munaasabadda.
Dabaaldegga Madaraka Day ayaa lagu qabanayaa fagaaraha caalamiga ee Jomo Kenyatta ee ismaamulka Kisumu oo amnigiisa aad loo adkeeyay.
Si looga hor tago faafidda cudurka COVID19 waxaa halkaasi lagu casuumay keliya 3,000 oo qof.
Dabaal deggan oo ah mid qaran ayaa sanad kasta la qabtaa 1-da bisha lixaad si loo xuso xilligii ay Kenya madax bannaanida ka qaadatay Ingiriiska sanadkii 1963-dii.
Waxaa ay maanta ku beegan tahay sanadguuradii 58-aad ee ka soo wareegatay xuriyadda dalka.
Waxaa xuska maalinka Madaraka Day ee sanadkan marti sharaf ku ah oo Kenyaanka kala qayb qaadanaya hoggaamiyaha dalka Burundi Evariste Ndayishimiye.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa u riyaaqay cayaaro dhaqameed halkaasi lagu soo bandhigay oo lagu ammaanayay wadanka.