Madaraka Day oo aan laga xusin bartamaha iyo waqooyiga dalka

0
510

Saraakiisha ammaanka ee ismaamullada ku yaalla gobollada bartamaha iyo waqooyiga dalka ayaa sheegay in aan shalay dowlad deegaanadaas looga dabaal degin maalinka Madaraka Day.
Waxay arrinkan u aaneeyeen cabsi laga qabo inuu bulshada ku dhex faafo cudurka COVID19.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Tharaka Nithi
Beverline Opwora ayaa sheegay in ay ogaadeen in aan la xaddidi karin tirada shacabka ee doonayay in ay ka qayb galaan xuska qaran.
Dadweynaha ayaa khudbadda madaxweynaha kala socday telefishinada dalka.
Munaasabadii ugu waynayd ee Madaraka Day ayaa shalay ka dhacday fagaaraha Jomo Kenyatta ee ismaamulka Kisumu.
Kenya ayaa u dabaal degtay sanadguuradii 58-aad ee ka soo wareegatay xilligii ay 1963-dii madax bannaanida ka qaadatay guumaystihii Ingiriiska.