Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho abaare Salaaddii Subax ee Saaka.
Hoobiyaasha ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa guryahooda.
Inta la xaqiijiyay Aabe Soomaaliyeed iyo Gabadh uu dhalay ayaa ku dhintay hoobiyaasha mid ka mid ah oo ku soo dhacay gurigooda oo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen hooyada qoyska iyo xubno kale oo isla qoyska ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Aabaha ku dhintay hoobiyaha ku habsaday gurigiisa uu ahaa Macallin Dugsi Qur’aan oo si weyn looga yaqiinay degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho.
Dadka ku nool magaalada Muqdisho oo badi hurdaayay xilliga madaafiicdaan dhacayeen ayaa ku toosay mar qura dhawaaqa madaafiicda oo ahaa kuwa intooda badan loo tuurayay dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya.
Kooxda Al-shabaab ayaa mararka qaarkood madaxtooyada dalka Soomaaliya ku weerarta madaafiic, waxaana madaafiicdaasi intooda badan ay ku dhacaan guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ka ag dhow xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, taas oo sababta in dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaarto dad shacab ah aan waxba galabsan.
Home Wararka Soomaaliya Madaafiic lagu weerarray madaxtooyada Soomaaliya oo gaysatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh




